Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Booqday Dugsiga Farsamada Gacanta ee Burco. Waxaa madaxwaynaha halkaas kusoo dhoweeyey Maamulaha Dugsiga Farsamada Gacanta Burco Mr. Fuad Adan Abdullahi oo ka warbixiyey Horumarka uu iskuulku ku talaabsaday waxayna waftiga maamulka iskuulka iyo Madaxwaynu kormeereen guud ahaan dhidmayaasha beeraha iyo qalabka kala duwan ee wax lagu baro arday .